Wararka laga helayo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in la magacaabay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Soomaaliya.
Xilkan oo uu hore u hayay Gen. C/llaahi Gaafow oo hadda noqday taliyaha NISA ayaa loo magacaabay Taliyihii hore ee Hay’adda Nabadsugidda ee Gobolka Banaadir ninka lagu magacaabo Maxamed Aadan Jimcaale Koofi oo darajadiisu tahay Gaashaanle.
Gaashaanle Koofi ayaa hadda noqonaya Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, waxaana la sheegay inuusan lahayn khibrad ku saabsan xilka loo dhiibay, iyadoo la is weydiinayo sababta keentay in xilkaas weyn loo magacaabo Gaashaanle Koofi.
Koofi ayaa lagu xusuustaa howlihii sirdoon ee uu ka qabtay Gobolka Banaadir markii uu ahaa Taliyaha NISA ee Gobolka Banaadir oo dad badan ay ku eedeyn jireen xadgudub, waxaana markii dambe socdaal ku tegay Yurub oo dhowr bilood kadib uu dib ugu soo laabtay Muqdisho.
AKHRISO WAREEGTO
Goobjooge.com