Sunday, June 22, 2025

Agaasime Muqdisho uga baxsaday in loo xiro Musuqmaasuq oo si weyn loogu soo dhoweeyay

Waxaa maanta magaalada Muqdisho si weyn loogu soo dhoweeyay agaasimihii Waaxda Canshuuraha Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Federaalka Muxiyadiin Xasan Jurus (Saabey) oo sanadkii hore caasimadda ka baxsaday.

Kadib muddo sanad ka badan oo Muxudiin Saabey uu ku sugnaa dalalka Uganda, Kenya iyo meelo kale waxaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyay Muqdisho, waxaana soo dhoweyntiisa ka qeyb galay siyaasiyiin, mas’uuliyiin, odayaal iyo qeybaha beeshiisa oo taageero u muujiyay.

Wararka ayaa sheegay in gudaha Garoonka diyaaradaha Aden cadde lagu cadaadiyay Agaasime hore Saabey, loona diiday inuu galo qeybta VIP-da ee Garoonka, balse gaadiid dagaal ayaa lagu soo galbiyay.

Ad

Agaasimahan ayaa Muqdisho ka baxsaday xilli habeennimo ah 19-kii June 2023, kadib markii uu ka war helay qorshe lagu doonayay in lagu qabto, wuxuuna markaas tegay Gobolka Sh/Dhexe, isagoo muddo ku sugnaa Tuulada Guulane oo ka tirsan degmada Aaden-yabaal.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa dacwadiisa qaaday isagoo maqan, wuxuuna ka mid ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda iyo Hay’adda Socdaalka oo lagu waayey eedihii musuqa ee loo jeediyay.

Arrintan ayaa muujineysa inuu fashil kusoo dhammaaday dagaalkii Musuqmaasuqa ee Madaxweyne Xasan Sheekh bilaabay sanadkii ugu horeeyay ee dib u doorashadiisa.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON