Agaasimihii hore ee Madaxtooyadda Soomaali Thabit Cabi Maxamed ayaa xil looga magacaabay safaaradda Soomaaliya ee magaalada Washington ee dalka Mareykanka, kadib muddo sanad ka badan markii xilka madaxtooyada laga qaaday.
Thabit Abdi oo ay isku dhow yihiin madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka mida safiiro, xoghayeyaal, Qunsulo dowladda Soomaaliya dhowaan magacawaday oo dalal kala duwan loo kala diray, waxayna arrintan soo afjareysaa muran hoose oo agaasimihii hore ee Madaxweynaha dhex maray kaasoo keenay in xilka laga qaado.
Xilka Mudane Thaabit Cabdi ataa noqob doona safiir xigeenka iyo mas’uulka labaad ee ugu sareeya Safaaradda Soomaaliya ee Washington oo Soomaaliya halkaasi wakiilka uga ahaan doonta. Dhowaan waxaa xilkii Safiirnino ee Mareykanka oo uu baneeyay Cumar C/rashiid la wareegay Axmed Ciise Cawad oo ka soo jeeda Puntland.
Goobjooge.com