Wednesday, July 16, 2025

Ahlu suna oo maamu cusub u magacawday degmada Caabudwaaq & dagaal ku wajahan

Kooxda Ahlu suna ee gobolada dhexe ayaa guddoomiye iyo maamul u magacawaday degmada Caabudwaaq ee waqooyiga Gobolka Galgaduud, halkaasoo dhowaan laga saaray ciidamadii taabacsanaa Ahlu suna ayna la wareegeen xoogag iyo wasiiro ka tirsan maamulka Galmudug.

ahlu-Sunna

Gudoomiyahan cusub ee  Ahlu suna u qaabilsan  Caabudwaaq  oo lagu magacaabo Maxamed Yaxye Faarax ayaa  sheegay inuu ku faraxsan yahay xilka loo magacaabay , isagoo beeniyay inay degmada Caabudwaaq gacanta ku hayaan ciidamadda Galmudug, wuxuuna ku dooday inay jiraan maleeshiyo beeleed wadahadal u socdaan.

 

Ahlu suna ayaa dadaal ugu jirta inay dib ugu laabato Caabudwaaq, waxaana laga cabsi qabaa in xiisado colaad dib uga bilowdaan degaankaasi, kadib dagaalkii labada dhinac ku dhex maray ee keenay in Ahlu suna looga saaro.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-7″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON