Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa wareegto ku magacaabay Maamul cusub oo ay yeelaneyso degmada Dhuusamareeb, iyadoo hore xilka looga qaaday maamulkii hore.
Guddoomiyaha Dhuusmareeb ayaa loo magacaabaya nin lagu magcaabo C/llaahi Barre, Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ayaa isna loo magacaabay Macalin Faarax Maxamed Faarax. Halka Guddoomiye Ku xigeenka labaad laga dhigay C/qaadir Axmed Cali Xasan. Sidoo akle xoghayah amaaliyadda ayaa loo magacabay Bishaaro Maxamed Cardoofe.
Maamulka Cusub ayaa isla maanta xilka la wareegay xilli khilaaf ka dhashay mucaawino uu qas weyn ka dhex abuuray Ahlu suna iyo maleeshiyadeeda.
Goobjooge.com