Thursday, June 26, 2025

Ahlu sunna oo dowladda Federaalka ku eedeysay inay dagaal ka abaabuleyso degmada Cadaado

Kooxda Ahlu-sunna ee Gobolada Dhexe ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeysay inay olole colaadeed ka wado gobolada dhexe iyadoo sheegtay inay Degmada Cadaado ku daabuleyso hub iyo ciidan fara badan oo la doonayo in xaalad dagaal lagu abuuro.

ahlusuna-sax

Xasan Goobe oo ka tirsan madaxda Ahlu una ayaa warbaahinta u sheegay in dowladda federaalka inay abaabulayso dagaallo sokeeye, waxayna ka digeen in laga feejignaado colaad ka bilaabata Galgaduud iyo dhibaato hor leh oo ka dhacda degaankaasi.

wuxuu intaas ku daray inay la socdaan ciidamo badan oo dhowaan la geeyay degmada Cadaado iyo sidoo kale diyaarado hub sida oo halkaasi ka degay, wuxuuna ugu baaqay  dadka Cadaado inay iska ilaaliyaan dagaalka laga soo abaabulo degmadooda, sida uu yiri.

Ahlu suna ayaa dagaal kula jirta maamulka cusub ee Galmudug iyadoo ka dhinac dhistay maamul kale iyo madaxweyne, waxaana lagu waday in waanwaan labada dhinac laga dhex bilaabo, inkastoo xaalad dagaal ay dul hoganeyso goboladda Dhexe.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON