Wararka laga helayo Gobolka Mudug ee maamulka Galmudug ayaa sheegay ciidamada amniga qabteen 20 qof oo ajnabi ah, una kala dhashay Pakistan iyo Iran.
Dadkan ayaa sheegay inay ahaayeen kalluumaysato laga qabtay xeebaha Soomaaliya, ayna gacanta ku hayeen Al-Shabaab muddo sanado ah, kadibna ay goor dhow sii daayeen oo ag u gudbiyeen degaanada Mudug e Galmduug gacanta ku heyso.
Raggan ayaa hadda lagu hayaa saldhig ciidan oo ku yaalla magaalo xeebeedka Hobyo, waxaana ku socda baaritaan ku sabasna xaaladooda, sida ay AlShabaab kusii daayeen Ajaanibtan iyo inay ka lacag madax furasho ah ka qateen.
Guddoomiyaha degmada Hobyo Cabdillaahi Axmed Cali ayaa sheegay in raggani lasoo qabtey xalay Saqdii dhexe, ayna u kala dhasheen dalalka Iiraan iyo Pakistan. Wuxuu intaas ku daray in raggani ay ka yimaadeen dhanka magaalada Xaradheere, oo ah goob ay gacanta ku hayaan Alshabaab.
