Friday, June 27, 2025

Mas’uuliyiin & shaqaale UN-ka oo ku dhaawacmay qaraxii Madaxtooyada (Faahfaahin cusub)

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa qaraxii maqribnimadi caawa ka dhacay albaabka Madaxtooyada, iyadoo loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha oo la sheegay in lagu dhuftay Bar ay ciidamada ilaalada ku sugnaayeen halka laga galo Madaxtooyada Soomaaliya.

qaraxma

Qasaaraha dhimasho ayaa hadda gaartay in ka badan 10, war hore ay uu u baahiyya telefishanka Aljazeera oo ahaa in 3 qof oo Turki ah ay ku dhinteen qaraxa ayaa la xaqiijiyay inuu yahay war aan jirin sida aanu soo xaqiijinay (Warka Aljazeera). Sidoo kale dhaawaca ayaa kor u dhaafay 11 ruux. ma jiro ilaa hadda cid xaqiijisay geerida Turkiyiinta.

Dadka dhaawacmay waxaa ka mida Guddoomiyaha degmada Warta Nabadda (Ex Wardhiigley) Yaasiin Nuur oo la sheegay inuu ka dhaawacmay labada lugood wuxuuna ku soo beegmay xilligii qaraxa meesha ka dhacayay. Waxaa kaloo dadka dhaawacmay ku jira 9 ka mida shaqaalaha qaramada Midoobay ee Muqdisho.

Dadka dhaawacmay waxaa intooda badan la geeyay isbitaalka Madiina magaalada Muqdisho. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir ayaa cambaareeyay  qaraxa. Dhinaca kale Afhayeenka Madaxtooyada Puntland ayaa sheegay inay nabad qabaan oo qaraxa aanay waxba ka soo gaarin balse derbiga hotelka ay degan yihiin burbur ka soo gaaray qarxa.

Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay qaraxan iyadoo sheegtay inay la beegsatay caddow  hagardaamo  u dhigayay umadda sida ay uu sheegay afheyaanka howlgallada Alshabaab C/casiis Abuu Muscab.

Ajazeera/Wakaalado /Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON