Wednesday, July 2, 2025

Ajaaniib laga soo afduubtay Kenya oo lala soo galay Xuduudka Soomaaliya

Wararka ka imaanaya xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab ayaa sheegaya in Laba Macallin oo aan Soomaali ahayn laga afduubtay halkaasi.

Macallimiintaas ayaa la afduubay xalay, sida ay sheegayaan goobjoogayaal. Waxaa laga kexeystay gurigooda oo ku yaalla xerada Xagardheer, Waxaana weerarkan ka dambeysay koox aan la garan illaa iyo hadda.
Waxaa la aaminsan yahay in dhanka Soomaaliya loo kexeystay macallimiinta la afduubay.

Waxay macallimiin ka ahaayeen iskuul gaar loo leeyahay oo ku yaalla xerada Qaxootiga ee Xagardheere. Dowladda Kenya iyo laamaha amniga ayaan weli cadeyn afduubkan laga soo sheegayo Xagardheere.

Arrintan ayaa imaanyso ayadoo Kenya ay wado olole ay ku xireyso xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab.

Waxay Dowladda Kenya ku doodeysaa in amni xumo ay sababeen xeryahaasi oo ay ku jiraan boqollaal kun oo qof oo u badan Soomaali

BBC

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON