Monday, June 23, 2025

AKHRISO: 12 Qodob oo Culimada Soomaaliyeed ku diideen Xeerka Jinsiga ee Xukuumadda Xasan Kheyre?

Hey’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa ka soo horjeestay Xeerka jinsiga ee La-dagaalanka Kufsiga oo xukuumadda Xasan Kheyre ay ansixisay.

Xeerkan ayay soo bandhigeen culimada inuu yahay mid ka hor imaanaya shareexada islaamka, iyagoo soo saarey 12 qodob badan oo ay ka cabanayaan, waxayna arrintan kala hadleen Ra’isul wasaaraha iyo Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka.

HOOS AKRHISO 12 – KA QODOB

Ad
  1. Xeerka Waa Dambi oo Ciqaab lagu Muteysanayo qofkii isku dayo galmo qasab ah.

  2. Xeerka, Ma cadda cuquubada ugalmooshada raalliga la isaga yahay.

  3. Xeekna, Guurka qasabka ah waa dembi, xataa waalidka haddii ay sameeyaan. Culimada waxaa ay sheegayaan in taasi diinta ka hor imaaneyso.

  4. Xeerkan, Waa Dambi galmo aan la dooneyn ama aan raali leeysaha aheyn, xataa xaaskaaga (ha ahaato eray ama ficil).

  5. Xeerka, Kuma cadda sharciga labada aan isqabin, isna doonaya, raalina isaga ah inay ficil jinsiyadeed wada sameeyaan inay dembi tahay

  6. Xeerka, Waa dambi in qof meel lagu heyso isaga oo raali ku aheyn galmada, haddii uu raali ka yahay sharciga ayaa qeexaya. Haddii uu raali ka yahana waa galayaa denbi cuquubo sharci muteysanyao

  7. Waa dambi in la duubo, la sawiro cajalado jinsi ah. Culimada waxaa ay leeyihiin arrintaan waa dambi

  8. Xeerkan, Waa kufsi haddii qofka u galmoodo ruux ka yar 18 sano. Guur iyo guur la’aan. Culimada waxaa ay qalad ku sheegeen in laga reebay inta xalaasha isku qabta.

  9. Xeerka, Qofka waxaa uu galayaa denb caruur guursi(wixii ka yar 18), waana la ciqaabayaa. Sidoo kale culimada waxaa ay leeyihiin lamaga soo reebin kuwa xalaasha isku qaba.

  10. Xeerka, keliya waxaa reebay in laga ganacsado dhanka jinsiga caruurta. Qaangaarka lama caddeyn sharcigan. Culimada waxaa ay ku dareen inay xaaraan tahay ka ganacsiga jinsiga oo dhan.

  11. Xeerka, Eedeysanaha uma soo dhowaan karo deegaanka dhibanaha, lamana kulmi karo ehelada. Xal dhaqameed waa la diiday. Culimada waxaa ay leeyihiin diinta Islamaaka waxay ogoshay xal.

  12. Xeerka, Maxkamadda waxaa ay dacwada ku qaadeysaa meel qarsoon. Daah-furnaan ma jirto ayey leeyihiin culimada.

Qodobabaad iyo qaar kale oo ku jira xeerka kufsiga ayey ka dacwoodeen hey’adda majmaca Soomaaliyeed

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON