Isbedel weyn oo dhinaca beelaha ah ayaa lagu sameeyay maamulka Gobolka Banaadir iyadoo markii ugu horeysay guddoomiye ku xigeenada lagu soo daray qof kasoo jeeda Digil iyo Mirifle.
Waxaa dhinaca kale isbedel ku dhacay xilalka iyo awood qeybsiga beesha Hawiye oo xilalkii muhiimka ahaa laga wareejiyay, waxaana meesha laga saaray Beesha Xawaadle oo qeyb ka ahayd maamulka sare ee Gobolka Banaadir.
HOOS KA AKHRISO BEELAHA AY KA SOO JEEDAAN:
1- Guddoomiye ku Xigeenka Siyaasada iyo Amniga Saalax Sheekh Maxamed [Hawiye/Murusade]
2- Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Muluuka Dheere Sheekh Cabduqaadir [Banaadiri /Bandhabow]
3- Guddoomiye Ku xigeenka Arimaha Bulshadda C/llaahi Xaaji Ereg [H/Gidir/Sacad]
4- Guddoomiye Ku xigeenka Howlaha Guud Aadan Sheekh Cali [H/Gidir/Duduble]
5- Xoghayaha Guud Gobolka Banaadir Subeyda Maxamed Mukhtaar [Digil-Mirifle/Raxanweyn]
Goobjooge.com