Doorashada xubnaha Aqalka hoose ee Baarlamaanka ayaa goor dhoweyd ka bilaabtay xarunta Gaadiidka Booliska magaalada Muqdisho.
Doorashada waxaa maanta lagu wadaa in lagu soo doorto 11 kursi, waxaana ergada Somaliland ay uga duwan tahay ergooyinka kale iyadoo hal ergo ay dooraneyso ilaa saddex musharax.
Kuraasta beelaha ee lagu tartamayo waxay kala yihiin:
- Beelaha Arab (Abaddala arab, Abadalla Muuse iyo Maxamed Fanax) waxaa ay dooran doonaan hal (1) kursi
- Beesha Cidagale (Dhamal Adan iyo Abokar Muuse) waxa ay ku tartami doonaan laba (2) kursi
- Beesha Habar Jeclo (Muuse Abokar) waxaa ay ku tartami doonaan labo (2) kursi
- Beesha Habar Yonis (Cabdalla Ismaaciil) waxaa ay ku tartami doonaan hal (1) kursi
- Beesha Habar Yonis ( Ali Saciid iyo Isxaaq) waxaa ay ku tartami doonaan laba (2) kursi
- Beesha Samaroon (Makaahiil) waxaa ay ku tartami doonaan seddex (3) kursi
Goobjooge.com