Maamulada Galmudug iyo Ahlusunna ayaa Galabta xarunta Madaxtooyada ku saxiixday Heshiis ka kooban 14-Qodob.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo Hogaamiyaaha Ahlusunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa Heshiiska u kala Saxiixay Galmudug iyo Ahlusunna, waxaana dowladda u saxiixay Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid Juxa.
Heshiiska ayaa ka kooban 14-ka Qodob, waxaana ugu muhiimsan in Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah Madaxweynaha Maamulka Ahlusunna uu noqdo Wasiirka Kowaad Ee Galmudug isla markaana uu Shir Guddoomin Doono Kulamada Golaha Wasiiradda Galmudug.