Hay’ado dhowr ah ayay saameyn weyn ku yeelatay amarka uu soo saaray madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ee uu ku joojiyay in wax kharash ah looga bixiyo Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.
Amarkan ayaa saameyn weyn ku yeelanaya maamulka Gobolka Banaadir oo si toos ah ugu xirnaa Bankiga Dhexe, Hay’adaha dowladda hoos yimaada iyo wasaarado kharashaad kala duwan ugu xirnaa Bankiga.
Amarka lagu joojiyay lacag bixinta Bankiga dhexe oo muddo bil ka badan soo taxnaa ayaa saameynta ugu badan ku yeelan doona maamulka Gobolka Banaadir oo si joogto ah ugu xiran Bankiga Dhexe.
Madaxweyne Farmaajo ayaa dhowaan kulan la yeeshay hanti dhowrka guud ee Qaranka, xisaabiyaha iyo agaasimaha Bankiga Dhexe oo uga xog warramay xaaladda dhaqaale ee dowladda Federaalka oo aad u liita xilligan, iyadoo muddo 8 bilood ah aanay ciidamada iyo shaqaala dowladda qaadan wax mushaar ah.
Goobjooge.com