Thursday, June 26, 2025

AKHRISO: Khaladaadka ka dhacay Doorashada Somaliland ee ay shaaciyeen Kormeerayaasha Caalamiga ah

Korjoogtada caalamiga ah ee dusha kala socota doorashadii Isniintii ka dhacday maamulka Somaliland ayaa sheegay inaysan arkin khaladaad waaweyn oo keeni kara in doorashada laga soo qaado waxbva kama jiraan, balse ay jiraan arrimo shaki leh oo dhacay.

Waxay Guddigu sheegeen inay jiraan “arrimo dareen leh”. oo ka dhacay goobaha cod bixinta, waxayna shir jaraa’id oo ah ku qabteen Hargeysa uga hadleen aragtida ay ka qabaan sida ay doorashada madaxweynaha Somaliland Isniintii u qabsoontay.

Kormeeerayaasha oo ay maalgeliso dowladda Briatian waxay ka koobnaayeen 60 xubnood oo ka kala socda 27 urur iyo dalal ka laduwan, waxay sheegeen in ay jiraan arrimo ay welwel ka qabaan oo ay arkeen markii ay kormeerayeen doorashada.

Arrimahaas waxaa ka mida: 

1- Dad aan qaangaar ahayn oo codeeyey

2- Goobaha cod bixinta qaar oo aan la raacin nidaamkii codeynta

3- Dad laga hor istaagay codeynta iyo wakiilada mucaaradka oo goobaha qaarkood loo diiday.

4-  iyo xiritaanka baraha bulshada

Waxaa weli la sugayaa natiijada doorashada madaxtinimada Somaliland, iyadoo codadka lagu soo tiriyay gobollada lana gaarsiiyay magaalada Hargeysa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON