Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa goor dhoweyd ku dhawaaqay isku shaandheyn baaxad weyn oo uu ku sameeyay golihiisa wasiirada, taasoo muddo badan la sugayay, waxaana xilkoodii waayay 8 wasiir oo kamida kuwii ugu muhiimsanaa golahaasi, iyadoo wasiirada xilka laga qaaday ay ka mid yihiin musharixiin jagada madaxweynaha u tartamayay oo taageero helay.
Liiska Wasiirada cusub ee magacaabay hoos ka akhriso :
Magaca | Xilka | Wasaaradda |
Saalax Xabiib Xaaji jaamac | Wasiirka | Cadaalada ,diinta iyo dhaqancelinta |
Cabdi Xirsi Xirsi Qarjab | Wasiirka | Amniga iyo DDR ta |
Axmed Cilmi Cismaan Karash | Wasiirka | Arrimaha Gudaha iyo D/hoose |
Abshir Aw Yuusuf Ciise | Wasiirka | Waxbarashada iyo Tacliinta Sare |
Cabdulaahi Shiikh Axmed | Wasiirka | Maaliyadda |
Cabdunuur Cilmi Maxamuud | Wasiirka | Kalluumeysiga iyo khayraadka badda. |
C/raxmaan Axmed Cabdulle | Wasiirka | Shaqada ,Shaqaalaha iyo dhalinyaradda . |
Maxamuud Xasan Soocade | Wasiirka | Warfaafinta ,Hidaha iyo Isgaarsiinta |
C/laahi Jaamac Saalax | Wasiirka | Dekadaha iyo Gaadiidka badda |
Faysal Cabdi Cali Gaas | Wasiirka | Dastuurka, Feedaraalka iyo Dimuqraadiyadda. |
C/weli Xirsi Cabdulle | Wasiirka | Ganacsiga iyo Warshadaha |
Cabdi Cismaan Maxamed | Wasiirka | Xanaanada Xoolaha |
Shire Xaaji Faarax | Wasiirka | Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamigaa |
Cali C/laahi Warsame | Wasiirka | Deegaanka ,Dalxiiska iyo Duurjoogta |
Dr. C/naasir Cismaan Ciise | Wasiirka | Caafimaadka |
Cabdulaahi Cali Xirsi | Wasiirka | Beeraha iyo Waraabka |
Aniiso C/qaadir Muumin | Wasiirka | Haweenka iyo Horumarinta Qoyska |
Xasan Xaaji Siciid | Wasiirka | Duulista hawada iyo Garoomada |
C/rashiir Maxamed Xirsi | Wasiirka | Hawlaha Guud iyo Gaadiidka |
Wasiirada xilkii laga qaaday waxaa kamida:
- Xasan Cismaan Maxamuud Alloore Wasiirka Wasaaradda Amniga
- Ismaaciil Maxamed Warsame Wasiirka Wasaaradda Caddaladda arimaha diinta
- Cali Axmed Faatax Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah
- Cabdullaahi Cali Ducaale Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha
- Cali Xaaji Warsame Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada
- Dr. Saadiq Eenow Wasiirka Wasaaradda Caaafimaadka
- Cabdi Ismaaciil Boos Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka
- Guuleed Saalax barre Wasiirka Deegaanka Dalxiiska iyo duurjoogta
Wasiirada xilka ku cusub waxaa ka mida:
- Saalax Xabiib Xaaji jaama WasiirkaCadaalada ,diinta iyo dhaqancelinta
- Cabdi Xirsi Xirsi Qarjab Wasiirka Amniga DDR
- Abshir Aw Yuusuf Ciise Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare
- Cabdulaahi Shiikh Axmed Wasiirka Maaliyadda
- Faysal Cabdi Cali Gaas Wasiirka Dastuurka, Feedaraalka iyo Dimuqraadiyadda
- Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed Wasiirka Xanaanada Xoolaha
- Cali C/laahi Warsame Wasiirka Deegaanka ,Dalxiiska iyo Duurjoogta
- Dr. C/naasir Cismaan Ciise Wasiirka Caafimaadka.
Waxaa sidoodii loo daayay oo aan waxba laga bedelin Wasiir ku xigeenada iyo Wasiiru Dowlayaasha, inkastoo aan la ogeyn in dib laga bedeli doono iyo in kale.