Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa muddooyinkii ugu danbeeyay ku mashquulsanaa magacaabidda xilala kala duwan oo dowladda Federaalka ka mida, isagoo xilalkaasi qaarkood uga faa’iideysay dano gaara iyo kuwo qaraabo-kiilnimo.
[row][double_paragraph]

[/double_paragraph][double_paragraph][ad name=”HTML-3″][/double_paragraph] [/row]
Waxaa xusid mudan in Ra’iisal wasaaraha iyo xukuumadda ay dhowaan keeneen qorshe ku saabsan in agaasimeyaasha wasaaradaha dalka lagu sameeyo dib u habeyn, wasaarad kastana la siiyay inay agaasimaheeda guud ee hadda xilka haya iyo laba kamida agaasimeyaasha waaxyaha ee khibrada leh soo gudbiyo taariikh nololeedkooda si midka ugu wanaagsan loogu xulo agaasime guud.
Qorshahaas oo socda ayuu Ra’iisal wasaaraha ku dhaqaaqay inuu magacaabo agaasimeyaal laga soo hor mariyay qorshahaasi. Magacaabidda fara badan ee ra’iisal wasaaraha ayaa shaki weyn ku abuurtay madaxtooyada iyo guddoonka Baarlamaanka oo dacwyoon badan ay gaarsiiyeen beelo ka cabanaya xilal laga qaaday xubno kasoo jeeday.
Muddo aan ka badneyn Bil ayuu ra’iisal wasaaruhu magacaabay xilalka soo socda:
- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka (C/qani Sheekh Cumar)
- Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Yaxye Cali Ibraahim)
- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Cadaaladda (Ismaaciil Jimcaale)
- Xoghayaha Xafiiska Ra’iisal wasaaraha (C/salaan Salwe)
- Ergeyga Xuquuqda Caruurta iyo Tahriibayaasha (Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf)
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]