Tuesday, July 15, 2025

AKHRISO MAANSO XIISO LEH: Gabaygii ‘DILAA SARE’ ee Abwaan Tabantaabo

Waxaan idin soo gudbineynaa Maanso Gabay ah oo uu tiriyay Waxaa tiriyey: Abwaan Maxamed Warsame Tabantaabo.

Waana gabaygii ‘DILAA SARE’ oo ah gabay xikmad badan ka buuxdo oo xaalad kasta la socda.

HOOS  KA AKHRISO


Daliil runah daruus aan ka qoray xaalka degi-waayey
Dad walaala duul wada dhashoo laysu dacareeyey,
Soomaalidaan kala didee qoloba daan aaday,
Dembiyada dhacaayee ka badan miraha deegaanka,
Dawadaan bukootee dabiib looga dhigay maarta,
Dembigaan ninkii geystay baan idin dareensiine,

*****
Nin wax diley haddii aan la dilin ee la iska sii daayo,
Waa inuu dilkiisii sii wataa saa la dili-waaye,
Degdeg weerar waa inuu galaa saa la dili-waaye,
Nin doorkoo dhan waa inuu dilaa saa la dili-waaye,
Diin Islaamle waa inuu dilaa saa la dili-waaye,
Dagaal diide waa inuu dilaa saa la dili-waaye,
Malcaamadaha waa inuu dunshaa saan la dili-waaye,
Masaakiinta waa inuu dubaa saa la dili-waaye,
Dal iyo maalba waa inuu gubaa saa la dili-waaye,
Dadkuna waa inuu dabargo’aa saa la dili-waaye,
Dilkuna waa inuu sii bataa saa la dli-waaye,
Dembigu waa inuu sii kordhaa saa la dili-waaye,

*****
Dilaa sare waa inuu usii dallaco saa la dili-waaye,
Digtatoori waa inuu noqdaa saa la dili-waaye,
Dastuur gaar ah waa inuu degsado saa la dili-waaye,
Boqortooyo waa inuu dalbado saa la dili-waaye,
Duruus beenah waa aqriyo saa la dili-waaye,
Wejigiisa waa inaan la deyin saa la dili-waaye,
Waa inaad madaxa hoos uga dedaan saa la dili-waaye,
Soo dareera goortuu yiraah saa la dili-waaye,
Waa inaydin deri yeelataan saa la dili-waaye,
Waa inaad dhamaan daba-gashaan saa la dili-waaye,
Dadnimo waa inaad kala tagtaan saa la dili-waaye,
Dullina waa inaad soo baxdaan saa la dili-waaye,
Dumarkuna durbaannada u tumo saa la dili-waaye,
Ragguna waa inuu sacab ku daro saa la dili-waaye,
Duca-qabe waa inaad dhahdaan saa la dili-waaye,
Dirqina waa inay idinku tahay saa la dili-waaye,
Wuxuu doono waa inuu falaa saa la dili-waaye,
Qarannimo waa inay duntaa saa la dili-waaye,
Dalka iyo dadkuba waa inay baaba’aan saa la dili-waaye,
Waa inuu Xamarna Daafeed u raro saa la dili-waaye,
Hargeysana badweynta u diro saa la dili-waaye,
Kismaayona webiga uu dhex daro saa la dili-waaye,

*****
Ummad yahay daguugani ee qalbigu daxalaystay,
Diintiyo kitaabkii Allaad daba-maryeyseene,
Waxaad deyrka ugu oodan tahay daalim iyo qaa’in,
Deylaaba idin dhaanta iyo sacii diilinta lahaaye,
Iyagaaba darkii garanaya iyo doono ubadkiiye,
Daab iyo masaar waxaad tihiin duulna garanwaaye,

*****
Dilaa sare haddii u dalcay oo la dili-waayey,
Dad wixii ka haray waa kuwaan haatan uu diliye,
Dad waa dilis dagaal waw kalahis dulucdu waa weerar.
Dadaal iyo midnimo wayska deyn sharafi waa daadin.
Dakaniyo colaad waa hirgelin nabadi waa duugis.
Diif iyo xanuun iyo darxumo dabargo’ waa raadin.
Daacad iyo wanaag waa ka durug belona waa doonis.

*****
Haddii kale dantiinii gartoo daalimkaas dila,
Dabadeed midnimadii dalkiyo daawo wada qaata,
Dar-Illaah u soo jeesta oo diinta wada raaca,
Dariiqii Rasuulkii maroo diinta wada raaca,
Dawiyo nabad wada raadiyoo diinta wada raaca

Waxaa tiriyey: Abwaan Maxamed Warsame Tabantaabo

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON