Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta isk shaandheyn lama filaan ah ku sameeyay Talisyada ciidamada Qalabka sida iyo Agaasinka Madaxtooyada Somalia.
Wareegtada Madaxweynaha ayaa magacaabis iyo xil ka qaadis lagu sameeyay masuuliyiinta hoos ku xusan, waxaaan saameyn xil ka qaadis iyo magacaabis ah ay saameyn ku yeelatay 7 mas’uul oo loo magacaabay xilal kala duwan.
HOOS KA AKHRISO MAS’UULIYIINTA LA MAGACAABAY IYO BEELAHA AY KASOO JEEDAAN
S/Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed = Sheekhaal.
G/Dhexe Odawaa Yuusuf Raage oo loo dallacsiiyay S/Guuto loona magacaabay Abbaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed = Hawiye/ Abgaal.
Dr. Aamina Siciid Cali waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, Habrgidir/ Sacad.
Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo loo magacaabay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka = Beesha shanaad/ Reer Aw Xasan
S/Guuto Siciid Axmed Kadiye oo loo magacaabay Taliye K/Xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed = Habrgidir / Sacad.
G/Sare Zakia Xuseen Axmed oo loo dallacsiiyay S/Guuto, loona magacaabay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed = Dir / Surre.
G/Sare Xasan Nuur Col-ujoog ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidamada Badda, Daarood/ Mareexaan.