Wednesday, June 25, 2025

AKHRISO: Magacyada in ka badan 10 Taliye Boolis oo loo magacaabay Saldhigyada Gobolka Banaadir

Isbedelkii ugu weynaa oo mar qura dhaca ayaa lagu sameeyay Booliska Gobolka Banaadir, iyadoo xilalkii laga qaaday taliye qeyb, ku xigeen iyo 10 taliye saldhig Boolis oo ka mida saldhigyada Booliska G/Banaadir.

Taliyayaasha cusub ee loo magacaabay saldhigyada Booliska ayaa u badan sarkaaiil dhalinyarro ah oo ka yimid Nabadsugidda iyo ciidamadii Xasilinta oo khibradooda Boolisnimo ay yar tahay, iyadoo dhowr bilood ka mid ahaa Ciidamada Booliska, iyadoo magacaabiddan uu soo jeedioyey Taliyaha Booliska gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) oo isaguna ka yimid NISA.

Xubnaha la magacabaay ayaa kala ah:

Maxamed Jeego oo hore u ahaa taliye ku-xigeenkii Nabadsugida G/Banaadir ayaa loo magacaabay Taliye ku-xigeenka Booliska Gobolka Banaadir.

C/fataax Mire oo ahaa Taliyihii degmada Hodan ayaa loo dalacsiiyey Taliyaha qeybta Waliyo Cadde ee booliska, iyadoo Kuxigeenkiisana loo magacaabay  Shuceyb Abdi.

Yaasiin Nur Khayre: ayaa loo magacaabay Taliye Ku xigeenka Qeybta bartamaha.

Bashiir Cabdi Siyaad, ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhiga Booliska  degmada Hodan.

Najiib Carab ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga Booliska degmada Boondheere.

Liibaan Shidane, ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga Booliska  degmada Kaaraan.

Xuseen Cadceed ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhiga Wardhiigley

Ismaaciil Muuse Yuusuf: ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga Booliska Dharkeynley.

Axmed Taree, ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga Booliska  degmada Kaxda

Axmed Khadar: ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga Booliska  degmada  Xamarweyne.

Maxamed C/qaadir: ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga Booliska degmada  Waaberi, waxaana Kuxigeen looga dhigay gabadhii ugu horeysay oo lagu magacaabo Taliso Abtidoon.

Isbedelkan ayaa u muuqda inqilaab ka dhacay ciidamada Booliska oo meesha looga saaray booliskii hore, wuxuuna yimid iyadoo maanta ay Alsahbaab qaraxyo dhowr ah ka geysteen magaalada Muqdisho, isla markaana weerar ku galeen xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON