Wararkal laga helayo degaanada Puntland ee ay galeen ciidamada Alshabaab ee ka degan Xeebaha gobollada Mudug iyo Nugaal ayaa sheegaya in ciidamdaasi ay hogaaminayaan saraakiil sare oo Alshabaab ka tirsanaa, kana soo jeeda degaanada Puntland.
Saraakiishaasi reer Puntland ee hogaamineysa ciidamada Alshbaab ee galay Puntland waxaa ka mida:
Saciid Karatee oo ka soo jeeda Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal, ahna hogaamiyaga ciidamada galay Puntland.
Xasan Takar oo isna ka soo jeeda degmada Goldogob ee Gobolka Mudug (Xasan Takar waxaa maamulka Puntland ay toogasho ku dilem wiil uu dhalay oo lagu eedeeyay inuu Alshabaabka Galagala ka tirsanaa xiligii uu Puntland Madaxweynaha ka ahaa C/raxmaan Faroole.
Jaamac C/salaan oo ka soo jeeda Gaalkacyo
Caddo Ow-gowtax oo ka soo jeeda Gaalkacyo
iyo nin magaciisa lagu sheegay Ilqeyte oo isna kasoo jeeda Gaalkacyo
Xubnaha sare ee Alshabaab waxaa ka harsan Fu’aad Shangole iyo xubno yar oo Koonfurta Soomaaliya weli ku sugan, waxayna qaarkood sheegayaan in ciidamadan ay ku biireen Daacish, kana baxeen kooxda Alshabaab.
Goobjooge.com