Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ku soo bandhigay warabixin sanadeedka xaaladda xuquuqda Insaanka Soomaaliya.
Warbixinta oo lagu soo beegay maalinta xuquuqda insaanka caalamiga ah e 10-ka Disembar ayaa lagu sheegay in dadka lagu dilay Soomaaliya laga January 2016kii ilaa 14kii October 2017-ka ay gaarayaan 2078 qof tan iyo xilligaas kuwaas oo dilalkooda lagu kala eedeeyay dhinacyada Al-shabaab, Dowladda, Malleeshiyo kale iyo AMISOM.
Qasaaraha nafeed ee dhimasho iyo dhaawacba leh ee ka dhacay Soomaaliya guud ahaan ayaa gaaraya 4,585 kiis, kuwaas oo mas’uuliyaddooda dusha loogu kala saaray dhinacyada sidan soo socota:
60% ka mid ah waxa loo aaneeyay Alshabaab.
13% Maleeshiyaad
11% Dowladda.
4% AMISOM.
Dadka dhintay waxaa lagu kala dilay:
Somaliland 208 Qof.
Puntland 413 Qof.
Galmudug 261 Qof.
Hirshabeelle 269 Qof.
Banaadir 2,265 Qof.
Koofur Galbeed 735 Qof.
Jubaland 434 Qof.