Iyadoo la wada sugayo xil ka qaadis iyo isbedel weyn oo lagu sameeyo guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa soo baxaya xog ku saabsan qaabka magacaabidda guddoomiyeyaasha cusub.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa wada qorshihii ugu dambeeyay ee magacaabidda Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoo codsiyada iyop CV-yada ay buux dhaafiyeen xarunta Gobolka Banaadir.
Wararka ayaa sheegaya in Qorshahaha cusub ee magacaabidda guddoomiyeyaasha degmooyinka ka duwan sidii hore, iyadoo degmo kasta loo magacaabi doono Guddoomiye Degmo iyo Xoghaye kaliya.
Waxaa meesha laga saaray guddoomiye ku xigeenadii fara badnaa, waxaana weli socda dood ku saabsan in guddoomiye ku xigeenada la laalo iyo in lagu soo koobo hal ama laba, iyadoo ay hore u jireen ilaa afar guddoomiye ku xigeen.
Guddoomiyeyaashii hore ee Degmooyinka ayaa dhegta u taagan tahay iyadoo intooda badan xaqiiqsaday in waqtigoodii soo idlaaday.
Goobjooge.com