Friday, July 18, 2025

Akhriso: Qodobada xasaasiga ah ee looga hadlayo shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho

Shirkii koowaad ee  Madasha Wadatashiga Qaran ayaa beri ka furmaya magaalada Muqidsho iyadoo ay maanta magaalada soo gaareen madaxda maamulada dalka ka jira, waxaana shirkan oo muhiimad gaara leh looga hadlayaa sidii doorasholoo garsiin lahaa dalka.

maamulada

Shirka oo noqonaya wada-tashigii ugu horeeyay ee laga yeesho arrimaah doorashooyinka oo aan weli la go’aamin qaabka loo qaban doono. Waxaa shirka markii ugu horeysay ka qeyb galaya gudoomiyaasha gobalada Banaadir, Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Waxaa dhowaan la sameeyay guddi howleed ay yeelaneyso Madasha oo kooban 11 qof, waxaana qodobada shirka Berito ka furmaya Muqdisho looga doodayo ka mida:

Xoghayaha ayaa ugu dambeyn waxaa uu soo qaatay Afar nooc oo hadda doodad doorashada taagan lana rabo in mid la qaatto, Afarytaas waxaa ku sheegay:

  1. In Baarlamaan heer degmo laga bilaabayo doorashada
  2. IN Baarlamaan Heer Gobol laga bilaabayo
  3. In la qaadanayo qaabkii hore ee 4.5 iyo odayaashii beelaha
  4. In la isku dhafayo doorasho heer gobol, degmo iyo 4.5

Arrimahan oo dhan waxay bilow u yihiin qaabka Soomaaliya ku gaareyso hiigsiga cusub, iyadoo hogaamiyeyaasha kala duwan ay aad ugu kala feker duwan yihiin.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON