Wednesday, June 25, 2025

AKHRISO: Qodobadda Mooshinka laga keenay Imaaraadka Carabta & Xildhibaan Zakariye oo ka hadlay

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in loo gudbiyaymooshin ay saxiixeen qaar ka tirsan xildhibaannada baarlamaanka oo looga horjeedo faragelinta Imaaraadka Carabta u hayo arrimaha Soomaaliya.

Mooshinkan oo ka kooban qodobbo dhowr ah ayaa lagu eedeeyay Imaaraadka iyo safiirkooda u jooga Soomaaliya Maxamed Cusmaan Al-Xamaadi arrimo ay ka mid yihiin:

1- In Imaaraadka iska hor keeneen dawlada federaalka iyo maamul goboleedyada.

2- Inay maamullada la saxiixdeen heshiisyo istiraatiiji ah oo ku xad-gubayada midnimada iyo madaxbannaanida dalka Soomaaliya.

3- Inay samaysteen isla markaana hubeeyeen maleeshiyo u gaar ah.

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi
Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi

Mooshinka ayaa ugu baaqaya in Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya loogu yeero ashtako, lagana dalbado faahfaahin  tallaabooyinka uu ka wado dalka iyop arrimo kale.

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka mida xildhibaannada Mooshinkan wada ayaa sheegay in Mooshinka uu ku qoran yahay eedeymo badan oo ay u jeedinayaan Imaaraadka, kuwaasi oo uu sheegay in ay ka mid yihiin in Ciidamo ay iska qoroto iyo in shacabka ay si toos ah ula xiriirto.

DHAGEYSO XILDHIBAAN SAKARIYE

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON