Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa beelaha gobollada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe u qeybisay xildhibaanada maamulkaasi yeelanayo.
Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Prof. Yaxye Cali Ibraahim ayaa shaaciyay in laga heshiiyay qeybsiga xildhibaanada maamulka, waxaana la sugayaa inay beelaha soo xareeyeen ergooyinka shirka.
Tirada xildhibaanada Baarlamanka labada gobol oo ahaa 71 xubnood ayaa la filayaa in xubno cusub lagu kordhiyo. Ergada shirka ayaa noqon doonto in beel waliba tirada ka soo gaartay Xildhibaanada mid waliba ay ka heleyso 3 ergo. IGAD iyo wasaaradda arrimaha gudaha ayaa wada qorshe 3 Oktober lagu dooranayo Madaxweynaha Maamulka.
Wararkii ugu danbeeyay ee magaaladad Jowhar ayaa sheegaya in beelaha labada gobol loogu qeybiyay xildhibaanada sida soo socota:
Beesha Abgaal 15
Beesha Xawaadle 13
Beesha Gaaljecel 12
Beesha Jareerweyne 11
Beesha Gugundhabe 11
Beesha Habargidir 5
Beesha Moobleen 3
Beesha Ciise Muddulood 3
Beesha Hiilibi 2
Beesha Reer Aw-xasan 1
Beesha Sheekhaal 1
Goobjooge.com