Monday, July 14, 2025

AKHRISO: Sida Somaliland, Maamul Goboleedyada iyo G/Banaadir loogu qeybiyay Tallaalka Covid-19 (Sawirro)

Hay’adda Caafimaadka Adduunka qeybteeda Soomaalia ayaa shaaciyey tirada tallaalka loo kala qaaday maanta magaalooyinka Hargeysa iyo Garowe ee maamullada Somaliland iyo Puntland.

Qeybtii koowaad ee Soomaaliya soo gaartay deeqda Tallaalka AstraZeneca ayaa gaareysay 300,0000 Goojo, waxaana Somaliland maanta la gaarsiiyey 65,000 Goojo, waxayn WHO sheegtay inay Tallaalkan iska kaashadeen COVAX facility, GAVI, CEPIvaccines iyo UNICEF Somalia.

Dhinaca kale Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Puntland la gaarsiiyey 40,000 goojo, iyadoo dadka loogu talogalay ay ugu horeeyaan shaqaalaha caafimaadka iyo dadka waayeelka ah ee nugul.

Ma cadda sida Tallaalka Soomaaliya loogu qeybiyey Maamul Goboleedyada iyo waxa lagu saleeyay, iyadoo aanay wasaaradda caafimaadka soo bandhigin qorshahaasi, haddana xogta la helay ayaa sheegeysa in loo qeybiyey sida soo socota:

Banaadir: 90,000 Tallaal

Somaliland: 65,000

Puntland: 40,000

Jubbaland: 30,000

K/Galbeed: 30,000

Galmudug: 25,000

Hirshabeelle: 20,000

PUNTLAND

40,000 doses of Oxford AstraZeneca vaccines from #COVAX facility arrived in Puntland today. The target population for this first batch will be front-line workers, elderly and people with comorbidity. Thanks to @WFPSomalia for airlifting these vaccines. #Vaccineequity

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON