Maxkamadeynta sarkaal ku eedeysan inuu dilay taliye ku xigeenkii ciidamada Badda Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ka bilaabatay maanta iyadoo kiiska lagu dhageystay Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Qalabka sida.
Ugu horeyn waxaa eed dil Maxkamadda u soo gudbiyey xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida oo soo eedeysay Col. C/Naasir Xoosh Maxamed oo ahaa taliyaha raxanta Doomaha Ciidamada Badda Soomaaliyeed, waxaana lagu soo eedeeyay inuu dil bareer ah u geystay Jeneral Saciid Aadan Yuusuf (Mariino) oo ahaa baanduulihii Ciidamada Badda Soomaaliyeed.
G/sare Cabdi Naasir Xoosh Maxamed oo ka jawaabayay eedda loo jeediyay ayaa wuxuuna sheegay inuusan si ku talagal ah u dilin Marxuumka, balse ay kaga fakatay sida uu sheegay.
Xeer ilaalinta iyo Qareenada ayaa maxkamadda hor keenay markaatiyaal goobjoog u ahaa wixii dhacay, waxayna dhammaan sheegeen in u jiray muran ka hor inta uusan falka dilka ah dhicin, sidoo kale waxay xafiiska xeer ilaalinta soo bandhigeen sawirro iyo documents muujinayo dhacdadan.
Qareenkii u doodayay Eedeeysanaha ayaa dhinaciisa sheegay inaysan diidaneyn dilka balse badalkeed uu sheegay in uu jeclaan lahaa in eedeysanaha loo naxariisto oo uu bixiyo diyo dhameystiran.
Xafiiska xeer ilaalinta ayaa iyana sheegay in ey tahay taariikhda markiii ugu horeysay oo dil bareer ah loo geysto Generaal, waxayna Garsoorka ka dalbadeen inuu dil toogasho ah ku xukumo eedeysane Col. Cabdi Naasir Xoosh Maxammed oo ah eedeysanaha loo heysto dilka Gen. Saciid Aadan Yuusuf (Mariino).
Ugu dambeyn, dhageysiga kiiskan oo qaatay saacadihii ugu badnaa ayaa waxaa la soo gabgabeeyay Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute oo shaaciyey in dacwaddan in go’aanka Maxkamadda ay dib ka soo saari doonaan.
Gen Saciid Aadan Yuusuf (Mariino) ayaa 18-01-2018 lagu dilay gudaha Dekadda magaalada Muqdisho.