Sunday, July 13, 2025

Akhriso: Taariikh Nololeedka Danjire Marxuum Ciise Dheere: Odaygii Diblomaasiyiinta

Waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday 16-kii June 2020 Odaygii Dilomaasiyiinta Soomaalida ee Ciise Maxamed Cali (Ciise Dheere) oo muddo dheer kasoo shaqeeyay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya.

HOOS KA AKHRISO TAARIIKH NOLOLEEDKIISA

Marxuum Ciise Dheere waxa uu ku dhashay Muqdisho 1942, waxaana  sanadkii 1965 ka qalinjebiyay Machadka Diiniga Alazhar ee Muqdisho, isla waqtigaasi waxa uu ku biirray Machadka Tababarka Macallimiinta, isagoo sanadkii 1968 shaqa macallinimo ka helay Wasaaradda Waxbarashada.

Ambassador Isse Ali Mohamed (Isse Dhere), waxa uu noqday Agaasimaha Naadiga Macallimiinta, sidoo kale Agaasimaha Barbaarinta iyo Dhaqanka ee Wasaaradda Tacliinta sare xilligii Dowladdii Milatariga.

Marxuumka oo ka qalinjebiyay Kulliyadda Waxbarashada ee Lafoole 1974 ayaa xilal kala duwan ka qabtay dalka, isagoo noqday Madaxa Tababarka Ceel Jaalle, si la mid ah Madaxa Wargeyska Codka Macallinka, waxa uu sanadkii 1986 xubin ka noqday Baarlamaankii ugu horreeyay ee Dowladdii Milatariga ee Kacaankii 21 Oktoobar ee uu hoggaaminayay Madaxweyne Jaalle Maxamed Siyaad Barre.

Marxuum Danjire Ciise Cali Maxamed (Ciise Dheere) oo ahaa macallin iyo Aqoonyahan si weyn loo ixtiraamo waxaa safriikii ugu horeeyay uu ka noqday alka Tunisia sanadkii 1985, isagoo sidoo kale ahaa Ergeyga Joogtada ah ee Soomaaliya ee xarunta Jaamacadda Carabta oo xilligaasi ahayd caasimadda Tunis.

Sanadkii 1987 waxaa loo magacaabay Safiirka Soomaaliya ee dalka Ciraaq oo ilaa sanadkii 2002 uu hayay, noqdayna safiirkii ugu waqtiga dheeraa.

Sanadkii 2002 wuxuu noqday Safiirka Soomaaliya ee Dalka Jabuuti oo muddo bilooyin kooban ka shaqeeyyay, balse uu ka cudurdaartay inuu muddo xileedkiis dhammaystirto xaaladda cimillada dalkaasi awgeed.

Marxuumka ayaa sanadihii 2009 illaa iyo 2016 ka ahaa Madaxtooyada Qaranka “Villa Somalia” Lataliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha ee arrimaha diblomaasiyadda, isagoo la soo shaqeeyay Madaxweyihii Federaalka KMG Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynihii Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Allah u naxariistee Marxuum Danjire Ciise Cali Maxamed (Ciise Dheere) ayaa ka mid ahaa tan iyo 2013 Guddi sare oo lataliyeyaal ah oo Wasaaradda Arrrimaha dibadda dhisay, kana talo-bixiya Siyaasadda Dibadda, dib u habaynta Wasaaradda iyo xal u helidda dacwooyinka Safaaradaha, Ergooyinka Joogtada iyo Qunsuliyadaha guud.

Danjire Ciise Dheere oo ahaa bare sare, xeeldheere si mug leh u yiqiinnay Afka Carabiga, diblomaasi sare iyo qoraa xirfad yaqaan ah ayaa ku tilmaannaa dhowrsanaan adinkiisa iyo afkiisa laga nabad galay, dadka iyo dalkana jeclaa ayaa muddo bil ku dhow ku xanuunsanayay Caasimadda Muqdisho ugu dambeyne shalay ayuu ku geeriooday Magaalada Muqdisho.

Geeridiisa waxaa ka tacsiyadeedyay madaxda dowladda Soomaaliya, wasiirka Arrimaha dibadda, waxayna u rajeeyeen inuu Alle naxariistii Janno ka waraabiyo. AAMIIN.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON