Marwada koowaad Seynab Cabdi Macalin iyo Ra’iisal wasaare ku xigeenka magacaaban Mahdi Maxamed Guuleed ayaa socdaal wadajir ah ku jooga dalka Uganda
Safarkooda oo shalay bilowday ayaa la sheegay inuu ku saabsan yahay sidii ay uga qeyb geli lahaayeen furitaanka Warshadda Sokorta Atiak ee dalka Uganda, waxayna kulan la yeesheen Madaxweynaha Uganda Yoweri Musaveni.
Warshadda weyn ee sonkorta Atiak waxaa hirgelisay Shirkadda Horyal Investment Holdings Company Ltd oo ay leedahay haweeneyda reer Uganda ee asalkeedu Soomaalida ah Amina Hersi.
Mahdi Guuleed ayaa sheegay inay madaxweynaha Uganda ka wadahadleen xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Uganda, ayna ka qeyb geli doonaan furitaanka Warshadda Sonkorta Atika.
