DAAWO: War-Murtiyeedka laga soo saaray shirkii Maamul Goboleedyada ee Magaalada Baydhaba

Shirkii Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada ee magaalada Baydhaba ayaa goor dhoweyd la soo gabagabeeyay, iyadoo laga soo saaray War-murtiyeed si weyn loogu dhaliilat dowladda Federaalka Soomaaliya.

Maamul Goboleedyada ayaa soo dhoweeyay Qorshaha Amniga Qaranka si Soomaaliya ula wareegto amnigeeda, wuxuuna Golahu walaac ka muujiyey degaanka Tukaraq oo la sheegay inuu ka tirsan yahay Puntland, ayna soo weerarreen Somaliland.

Wuxuu dhaliilay sida gaabiska ah ee Qorshaha Amniga Qaranka aan waxba looga fulin iyo fulin la’aanta dowladda federaalka heshiiskii hore ee dowlada Federaalka ay balanqaaday taageerada ciidamada Daraawiishta maamul Goboleedyada, waxayna dowlada ugu baaqeen in Hubka yaalla loo qeybiyo maamul Goboleedyada.

Dowladda Soomaaliya ayay sheegeen inay sii xumeysay xiriirka ay la leedahay dalalka Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga, waxayna ugu baaqeen inay hagaajiso xiriirka ay la leedahay Imaaraadka iyo Sacuudiga.

Waxay dowladda ugu baaqeen inay dhaqaalaha dowladda Federaalka ka hesho dalalka caalamka inaysan wax ka siinin dowlad Goboleedyada.

HOOS KA DAAWO

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

107,745FansLike
532FollowersFollow
2,352FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

TOP NEWS

107,745FansLike
532FollowersFollow
18FollowersFollow
2,352FollowersFollow

Wararkii Maanta

error: Content is protected !!