Wasiiru dowlihii Madaxtooyada Soomaaliya ee dowladii Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ahaa gacanyareyaasha madaxweynihii hore ayaa farriin xambaarsan digniin iyo tallo u diray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.
Wasiir Mahad Maxamed Salaad ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa ku sheegay in Madaxweynaha cusub looga baahan yahay degdeg u magacaabidda Ra;iisal wasaare karti leh, wuxuuna uga digay in isbedelka u sawiran dadka shacabka ah aan lagu gaarin karin sanad ana afar sano midna.
Wasiirkan ayaa u soo jeediyay Madaxweynaha Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu shacabka wajaho una sheego inaan degdeg isbedel lagu gaari jkarin.
HOOS KA AKHRI QORAALKA WASIIR MAHAD
SIDEE LOOGA MIRA DHALIN KARAA ISBADALKA U SAWIRAN DADKA SOOMAALIYEED.?
Soomaaliya daruufaha Amni, Siyaasadeed iyo Dhaqan Dhaqaale ee ay ku sugantahay marka la’eego ma muuqato inlagu sixi karo hal sano ama hal term (4 sano) sidaas daraadeed waxaa ila haboon in Madaxweynaha cusub jaanis la siiyo, lalana shaqeeyo. Madaxweynahana waxaa la gudboon:
1. Inuu soo dadajiyo magacaabista Raysul Wasaare leh aqoon, karti iyo waayo aragnimo hugaamineed iyo dhismaha Xukuumad Sal’ballaaran oo ka tarjumi karta balanqaadkii Madaxweynaha lagu doortay.
2. Inuu dadka Soomaaliyeed la wadaago in muuqaalka isbedal ee u sawiran dadka Soomaaliyeed aan deg-degaas looga mira dhalin karin, si Dowladu aysan u dhuminin taageerada Shacab ee ay heysato.
Goobjooge.com