Amar kasoo baxay wasaaradda amniga gudaha ee xukuumadda federaalka ayaa lagu amray shirkaddaha ganacsi in ay ilaaladooda kasoo diiwaan geliyaan wasaaradda isla markaana soo gudbiyaan tirada hubka ay hastían.
Sidoo kale, wasaaradda amniga ayaa fartay dadka leh gawaarida aan xabadaha karin ee madaxda dowladda iyo hay’addaha laga kireeyo inay soo wasaaradda amniga kasoo diiwaan geliyaan.
Wasaaradda amniga ayaa mudo sodan cisho ah u qabatay amarkaan, kaasoo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo amniga caasimada Muqdisho.