Tuesday, June 24, 2025

Al Shabaab oo in ka badan 10 askari ku dishay weerar ka dhacay gudaha Kenya

Wararka laga helayo dalka Kenya ayaa sheegaya weerar kooxda Alshabaab ku qaaaday gudaha Kenya lagu dilay ciidamo Booliska Kenya ka tirsan oo gaaraya in ka badan 10 askari, wuxuuna weerarkaasi ka dhacay tuulada Yumbis oo ka tirsan deegaanka Faafi ee Gaarisa, waxayna askartaasi la socdeen  Kolonyo baabuur ah oo ay weerarka gaadmada ahaa lala beegsaday.

Al_shabaab

Askari weerarkaasi ka badbaaday oo baxsad ahaa ayaa laga soo xigtay in ciidamada la laayay ay ahaayeen gurmad  ciidamo kale oo degaanka  Yumbis sidoo kale lagu weeraray, iyadoo la gudbay gadiidkii ay wateen ciidamadaasi. Askar kale ayaa laga cabsi qabaa inay ku dhinteen weerarada Alshabaab ku qaaday agagaarka tuulada Yumbis oo 250 KM u jirta magaalada Gaarisa.

Xildhibaan Mahad Osman oo ka tirsan is-maamulka Gaarisa, ayaa sheegay babauurta booliska ee  la weeraray mid ka mida ay la kacday Miino dhulka loogu aasay, askartii dhaawaca ahna  la dhigay Isbitaalka weyn ee magaalada Gaarisa. Guddoomiyaha degmada Faafi Geoffrey Taragon, ayaa isna sheegay in askarta dhaawaca xaaladoodu ay degan tahay.

Tirada ciidamada Kenay ee Alshabaab dishay ayaan si sax ah loo xaqiijin iyadoo saxaafadda Kenya ay sheegeyso in tiro badan ay dhinteen oo 10 askari ka badan. Dhinaca kale Alshabaab ayaa la sugayaa inay war ka soo saarto weerarada ka dhacay degaanka Gaarisa ee dalka Kenya.

[ad name=”HTML-1″]

[ad name=”HTML-6″]

 

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON