Monday, July 14, 2025

AMISOM iyo ciidamada dowladad oo la wareegay saldhigii Alshabaab ee Shabeelaha Dhexe

Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maanta la wareegay degaanka Ceel-baraf ee  degmada Mahadaay,  gobolka Shabeelaha Dhexe oo kamid ah  afarta tuulo ee Al-shabaabay gacanta ku hayeen muddo  dhowr sanadood ah

Saraakiisha ciidamada dowlada ayaa sheegay inay  gudaha u galeen deegaanka Ceel-baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe iyadoo aan wax iska caabin ah la kulmi, waxayna dadka degaanka laga soo xigtay in maleeshiyada Alshabaab oo isaga baxeen magaalada xalay.

Ceel-baraf ayaa la sheegay inuu ahaa saldhiga  weyn oo maleeshiyada Al-shabaab ay ku lahaayeen gobolka Shabeelaha Dhexeoo isku xira kooxda Alshabaab ee ka howlgala Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe.

Waxaa gobolka Shabeelaha Dhexe ka socda howlgallo Alshabaab looga saarayo, waxaana dhowaan ay ciidamada AMISOM ee ka socda Burundi iyo ciidamada dowladda kala wareegeen Alshabaab degaanka Biyo-cade ee iska gobolkaasi oo ka mida afarta tuulo ee ugu waaweyn gobolka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON