Wednesday, June 25, 2025

WARBIXIN: Alshabaab & Mareykanka oo warar iska horjeeda kasoo saaray weerarkii Tooratoorow

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay in y fashiliyeen weerar Ciidamo katirsan kumaandooska dalka Mareykanka oo watay Diyaaradaha Qumaatiga u kaca oo xalay ka dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarka ayaa ka dhacay degaanka Tooratoorow oo ay maamusho Al Shabaab, waxayna in sheegeen ciidanka Mareykanka oo doonaayay inay howlgal ka fuliyaan xalay saqdii dhexe ka hor tageen.

Sarkaal ka tirsan Maleeshiyada Shabaabka ayaa sheegay ciidan Mareykan ah oo wata Diyaarado dagaal ay ku soo dageen meel 6-KM u jirta  Tooratoorow, kadibna dagaal qaraar ay kula galeen  meel 2-km ujirta degaankaasi. Waxay sheegeen inay ciidamada Mareykanka ka qabsadeen hub ay ka mid yihiin qoryaha RBG iyo Jabshaha.

Dhinaca kale war kooban oo ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in howlgalkii xalay ka dhacay degaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabellaha Hoose ay wada Fuliyeen Ciidankooda iyo Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya.

Waxay kaloo sheegeen  in howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ay Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwo Mareykan ah wada fuliyeen, isagoo ka dhacay  degaanka Tooratoorow oo ay Fariisin ku leeyihiin Xarakadda Al-shabaab.

Sarkaal u hadlay Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa sheegay in Weerarka lagu dilay Saraakiil Shabaab ah islamarkaana qaar kale Nolosha lagu qabtay. Mareykanku ma sheegin tirada lagu dilay dagaalka Tooratoorow iyo Maxaabiista la hayo inta ay le eg tahay midna.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON