Kooxda Alshabaab ayaa weerar ku qaaday gudaha Kenya, iyadoo qasaare dhimasho iyo dhaawac ah ka dhashay weerarkaasi iyo askar lagu la’ yahay.
Weerarku ayaa ka dhacay degaanka Cumar Jilacow oo ka tirsan Mandheera. Saddex qof ayaa la sheegay in lagu dilay weerarka, waxaana la waaayy laba askari oo ka mida Booliska Kenya.
Taliyaha Booliska Mandhera Suleyman Rashid ayaa beeniyay in laba boolis ah ay maqan yihiin, wuxuuse xaqiijiyay in Alshabaab ay dileen Caaqilkii Mandheera County oo ahaa nin ciidamada Kenya kala shaqeeya arrimaha kla hortaagga Alshabaab, markii ay gurigiisa ku weerareen.
Waxaa laga cabsi qabaa in labada askari ay afduubteen kooxda Alshabaab oo la tuhunsan yahay inay weerarka ka dambeysay.
Alshabaab ay weerarro joogto ah ku qaada gudaha Kenya, siiba gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.
Goobjooge.com