Friday, July 4, 2025

Alshabaab oo 281 Weerar & 103 Dilal Khaarijin ah fulisay Muddo 6 Bilood ah 2020 (Warbixin)

Alshabaab ayaa lixdii bilood ee ugu horeysay sanadkan 2020 Koonfurta Soomaaliya ka fulisay 384 weerar oo ay ku jiraan 103 dilal khaarijin ahaa, sida lagu sheegay Warbixinta Ammaanka Lix Biloodlaha ah ee Machadka Hiraal Institute.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Alshabaab ay lumisay saddexdii bilood ee ugu danbeeyay awoodeedii inay fuliso weerarro ay la socdaan Gawaari ay qaraxyo ka buuxaan. balse ay adeegsaday weerarrada xadidan ee lagu qaado xarumaha ciidamada ama ay disho madax iyaga khatar ku ah.

Jan-June 2020Nooca Weerarka
Dilalka khaairijinta ah103
Qaraxyada IED82
Qaraxyada S/VBIED8
Weerarrrada tooska ah131
Weerarro Bam-gacmeed24
Weerar Hoobiye36
Weerarrada guud384
Xigasho: Hiraal Institute

Nuxurka warbixinta

Sanadka 2020 waxey ku bilaabatay iyadoo Al-Shabaab difaac la gelinayo balse weerarkeeda uu weli firfircoonyahay. Kooxda waxaa la soo derisay weeraro joogto ah oo ay Xulufadu ku qaadayeen goobaha baadiyaha ah oo ay ku xoogan tahay.

Saddexdi bil ee sanadka ugu horreeyay, kooxdu waxey lumisay waddooyinki ugu muhiimsanaa oo ay caasimadda ku soo geli
jirtay oo misna ku qaadi jirtay canshuuraha ay ka qaado caasimadda. Inkastoo ay u suuragashay in ay sii waddo weeraradeeda dhanka magaalooyinka ah, waxey lumisay saddexdi bil ee u dambeeyay awooddeedi hore ee ku aadaneyd in ay fuliso weeraro ay la socdaan Gawaari Qarax laga soo buuxiyay (GQ). Intaasi waxaa dheer in ay u isticmaashay weerarada xaddidan ee GQ u suuragalay in ay ku weerarto xarumo militari ama ay isku daydo in ay ku disho madax iyada khatar ku ah. Tani waxey caddeeyneysaa in ay AS weli leedahay awood ay ku fuliso GQ balse ay la’dahay fursad iyo bartilmaameed ku habboon.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON