Xarakada Al Shabaab ayaa amar ah in meel kasta lagu dilo kasoo saartay nin ku nool magaalada Gaalkacyo oo ku gefay Nebi Muxamed SCW.
Guddooomiyaha Alshabaab ee Gobolka Mudug Sheekh C/qaadir Abuu Cadnaanayaa Warbaahinta Alshabaab ee Andalus ka shaaciyay xukunka ninka caaya Nabiga waxa uu mudan yahay ay tahay dil iyo in nafta laga gooyo.
“Xukunka Ninkaas wuxuu Kitaabka alle ku xukumay dil, insha’allaah Ninkaas iyo madaxiisa iskuma oollayaan, Mujaahidiinta iyo Muslimiinta Ninkaas waxaa uga yaal inay madaxiisa kala gooyaan” ayuu yiri Abuu Cadnaan oo ugu baaqay shacabka Muslimka Soomaaliyeed in Ay Alle ugu dhawaadaan dilka Ninka aflagaadeeyay Nabi Muxamed sida uu yiri.
Wuxuu sheegay in falkani yahay markii ugu horeysay ee uu Soomaaliya ka dhaco, wuxuuna caddeeyay in Xarakada Shabaab ay tallaabo ka qaadi doonto ninka aflagaadeeyay Nabiga Maqaamka sare leh ee Muxamed SCW.
Culimada magaalada Muqdisho ayaa hore u sheegay in ninkan uu ka baxay diinta islaamka, laakiin maxkamada ku taalla magaalada Gaalkacyo ay dembi ku weysay. Wararka ayaa sheegaya in ninkan oo lagu magacaabo C/weli Cali Cilmi uu heysto maleeshiyo ilaalo u ah.