Wararka laga helayo Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa sheegaya in askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya lagu gowracay degmada Mahadaay.
Kooxda Alshabaab ayaa sheegtay inay ku gowraceen laba Askari oo ka tirsan ciidamada Soomaaliya degaan ka tirsan degmada Mahaaday ee Gobolka Shabeelada Dhexe.
Labadan askari ayaa fadhigoodu ahaa degaanka Biyo-cadde, waxaana saaka loo galay jidka iyadoo lagala degay gaari ay la socdeen oo kuwa dadweynaha ah, kaasoo ku sii jeeday Magaalada Jowhar.
Sarakiisha ciidamada dowladda ayaa xaqiijiyay in Al-shabaab ay gowraceyn laba ka mida Ciidamada Xoogga oo ka kala tirsanaa Guutada 1-aad iyo Guutada 2-aad. Labada askari ayaa magacyadooda lagu sheegay Mowliid Xuseen Qeylshe iyo Axmed Yacquub.
Goobjooge.com