Thursday, June 26, 2025

Alshabaab oo baahisay magaca & Beesha Ninkii 2aad ee Weerarkii Hotelka Naasahablood [Dhageyso]

Kooxda Alshabaab ayaa caawa baahisay  wareysi kale oo ka mida dableydii fulisay weerarkii dhowaan lagu qaaday Hotelka Naasahablood 2 ee magaalada Muqdisho.

Ninkan oo ah kii labaad ee ka mida dableydii fulisay weerarka hotelka ka qeyb qaadatay ayaa lagu magacaabaa  Ibraahim Xasan Ibraahim oo ku magacdheer (Ilka Case), wuxuuna kasoo jeeda beesha Jirroon ee Digil & Mirifle isagoo ku dhashay Gobolka Bakool.

Wareysi ay la yeelatay idaacadda Alshabaab ku sheegay sida loogu qalqaaliyay inuu weerarkaasi geysto. Codka Ibraahim Xasan ayaa waxaa ka muuqda inuu yahay wiil da’ yar, wuxuuna wuxuu u muuqdaa nin aqoontiisa diinta ay aad u yar tahay.

Ma cadda inuu ninkan weerarka ku dhintay oo uu is qarxiyay iyo inuu ka mid yahay kuwa la qabtay, laakiin wareysiyada Alshabaab ayaa u badan in laga qaado kuwa loo diyaariyo inay is qarxiyaan.

 HOOS KA DHAGEYSO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON