Tuesday, June 24, 2025

Alshabaab oo baahisay Xubno ka mid ahaa oo u shaqeeya Sirdoonno Ajnabi ah [Sawirro & Video]

Kooxda Alshabaab ayaa baahisay filim muujinaya saddex  qof oo ajnabiah oo lagu sheegay inay dowlado shisheeye ay basaasiin u ahaayeen.

Saddeda qof ee ka muuqda filimka ayaa ah xubno ku biiray Ashabaab oo markii danbe la ogaaday inay soo dirsadeen dowlado doonayay inay xubno ku yeesheen Alshabaab. Waxaa  ugu horeeya Cabdallahi Talaal Muuse oo 28 jir ah, kana soo jeeda magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Ninkan ayaa sanadkii 2010-kii yimid Soomaaliya ayaa sheegay in uu la soo xiriiray nin lagu magacaabo Battaar oo ka guutada ATPU ee sirdoonka Kenya sanadkii 2012-kii, islamarkaana uu ku tashkiiliyey in uu jaajuus noqdo, isagana uu ku qancay. Howsha ugu muhiimsan ee Cabdullaahi laga doonayey waxay ahayd in uu soo gudbiyo sawirada, magacyada iyo lambarada Telephone ee qaar ka mid ah Mujaahidiinta taas oo inteeda badan uu sameeyey.

Ninka labaad ayaa lagu magacaabaa C/Casiis Mukayo Omambia kaas oo sheegay in uu asalkiisa ahaa qof Gaal ah balse goor dambe qaatay diinta Islaamka. Wuxuu sanadkii 1985-kii ku dhashay Cheptiret sida uu sheegayo. Wuxuu ku biiray  kooxda ATPU ee sirdoonka Kenya. Shaqada ugu muhiimsan ee la doonayey in uu qabto waxay ahayd in uu aado Soomaaliya si uu ugu biiro Mujaahidiinta Al-Shabaab, dhexdoodana kaga soo gudbiyo wixii macluumaad ah.

Ninka saddexaad ee la soo bandhigayayaa ah Hashim Cusmaan Shelali oo gudaha Mujaahidiinta looga yaqaanay Khaalid. Sanadkii 2012-kii ay la soo xiriireen Saraakiil jawaasiis ah oo la shaqeysa sirdoonada saliibiyiinta kuwaas oo raadinayey muhaajiriin British ah oo joogta Soomaaliya iyo qaabka ay Muhaajiriintu ku soo galaan Soomaaliya.


NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON