Kooxda Alshabaab oo maanta barqadii qabsatay magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ciidamo hor leh kusii daabulaya magaaladaasi oo ay isaga baxeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka.
Alshabaab ayaa ciidamo ka dirtay degaanka Janaale oo ay hor u qabsadeen iyagoo ku daabulaya magaalada Marka, waxaana magaalada ka socda abaabul ay wadaan kooxda Alshabaab oo dadka magaalada ku sugan ugu baaqay inay isu soo baxaan, halkaasoo khudbado wacyi gelin ah laga jeedinayo.
AMISOM ayaa 5KM u jirta magaalada Marka, iyagoo ku sugan xerada weyn ee Ceeljaale, lamana oga inay halkaasi ku sugnaan doonaan iyo inay tallaabo qaadi doonaan.
Qaar ka mida saraakiisha ciidamada ee Magaalada Marka ayaa ku dooday inay uga soo baxeen magaalada daryeel la’aan iyo sahay aan jirin.
Goobjooge.com