Maleeshiyada kooxda Al-Shabab ayaa ku dhaqaaqday fal aan hore loo arag iyagoo laayey sagaal Dameer oo jiidanayay Gaariyaal raashin u siday magaalada go’doonka ku jirtarr Waajid, ee Gobolka Bakool.
Falkan ayaa ka dambeeyay markii Al-Shabab ay qabteen Gaari dameerrada oo ay ku rarnaayeen cunto loo wadey degmada Waajid, waxayna kaxeysteen laba nin oo waday Dameeraha iyadoo gubay Raashinkii kadibna laayey Dameerada oo dhan.
Dadka degaanka Waajid ayaa sheegay in ka sokow Raashinka oo ka koobnaa Bariis, Sonkor iyo Bur ay sidoo kale gubeen Gaariyaashii ay Dameeradu jiidayeen.
Falkan yaabka leh ee Alshabaab ku kaceen ayaa ka dahcay duleedka tuulada Ceelboon oo 15 KM dhinaca galbeed ka jirta magaalada Waajid oo Alshabaab aysan ogoleyn in wax raashin ah la geeyo, iyadoo Gaari-dameeradu yihiin habka kaliya ee dhuumaaleysiga raashinka lagu geeyo.