Wednesday, June 25, 2025

Alshabaab oo odayaasha Garacad u sheegtay arrrin la yaab leh & wararkii ugu danbeeyay

Maleeshiyada Alshabaab ee caawa la wareegay degaanka Garacad ee degmada Jariiban ee gobolka Mudug oo hoostaga maamul goboleedka Puntland ayaa war la yaab leh u sheegtay odayaasha degaankaasi iyagoo u sheegay inay degaanka booqasho ku yimaadeen oo ay joogi doonaan dhowr maalmood.

Alshabaab ayaa ugu horeyn hawada ka saartay isgaarsiintii Garacad, waxaan degmada ka firxaday ciidamo kooban oo hubeysnaa, kadibna waxaa ku soo xiray magaalada lix Doonyood oo ciidamo fara badan oo Alshabaab ka tirsan sida, kuwaasoo magaalada ka dhigay xero ciidan.

Odayaasha degaanka Garacad oo dad ku sugan Gaalkacyo la xiriireen intii aan la damin isgaarsiinta ayaa u sheegay in Alshabaab xubno ka tirsan oo hogaaminaya ciidamada qabsaday Garacad ay u sheegeen inay xilli toddobaad ah ama dhowr maalmood joogi doonaan Garacad.

Xaaladda Gobolka Mudug qeybta ay ka taliso Puntland ayaa kacsan iyadoo maamulka Puntland iyo xukuumadda Garowe ay shir degdeg ah yeesheen arrintan lana sugayo tallaabada ay qaataan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON