Wednesday, June 25, 2025

Alshabaab oo dagaal culus ku qaaday Gobolka Bakool & Qasaare ba’an oo ka dhashay

shababamisom

Kooxda Alshabaab ayaa weerar culus ku qaaday saaka aroortii ku qaaday laba tuulo oo ku dhow degmada Xudur ee Gobolka Bakool, waxaana wararkii ugu horeeyay ee weerarkaasi ay sheegayaan in qasaare weyn ka dhashay dagaalkaasi.

Alshabaab ayaa weeraray tuulooyinka  Mooragaabey  iyo Garasweyne waxaana maamulka degmada uu sheegay inay Garasweyne oo kaliya ku dileen in ku dhow 53 Alshabaab ah. Guddoomiye ku xigeenka Aadan Cabdi Abaarey ayaa sheegay inuu isagu ku sugan  yahay Garasweyne isla markaana uu arkay meydadka 53 askari oo Alshabaab ah.

Guddoomiye ku xigeenka wuxuu sheegtay in Alshabaab isku dayeen qaraxayo iyo is miidaamin ah balse ciiidamada xoogga dalka oo diyaar ahaa ay iska caabiyeen qasaare xoog lehna gaarsiiyeen Alshabaab.

Ma jirto cid xaqiijisay qasaaraha intaas la eg, marka laga reebo maamulka degmada Xudur, laakiin waxaa labadaasi tuulo ka dhacay dagaal kamida kuwii ugu cuslaa ee dhowaanahan ka dhaca Gobolka Bakool isagoo socday muddo ka badan hal saacadood.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON