Maleeshiyada Alshabaab ayaa xukun Dil toogasho ah shalay ku fulisay Nin lagu soo eedeeyay inuu ahaa Sixiroole ku shaqeysan jiray falka sixirka.
Maxkamadda Alshabaab ee degmada Tayeegloow, gobolka Bakool ayaa xukunka dilka ah ku riday Nin lagu magacaabi jiray Isxaaq Xasan Daa’uud oo da’diisu ahayd 70 sano jir, kaasoo lagu soo eedeeyay inuu Sixirka ku kala geyn jiray ragga iyo dumarka is qaba, mararka qaarkoodna uu rag iyo dumarka isku soo dhoweyn jiray.
Maxkamadda Alshabaab waxay sheegtay in Sixiroole Isxaaq Xasan Daa’uud uu muddo 20 sano ah ku shaqeynsanayay Sixirka, isla markaana uu dad badan ku dhibaareeyay, sidaasina ku mutay in la dilo.
Hore ayay Alshabaab gobollada Koonfurta xukun dil ah ugu fulisay rag badan oo lagu soo eedeeyay inay ahaayeen Sixirooleyaal.
