Wararka laga helayo Gobolka Bari ayaa sheegaya in qeybo ka mida ciidamada ALshabaab ee ku socda xeebaha degaanada Puntland ay cagta saareen degaano ka mida degmada Bandar Beyla ee Gobolka Bari oo hadda Puntland ay ka dhigtay Gobol la bixiyay Karkaar.
Socodka maleeshiyada Alshabaab ayaa xowli ku socda, waxaana baqdin weyn ka jirtaa dhamaan degaanada xeebaha Puntland oo laga war dhowraya maleeshiyadan.
Guddoomiyaha Degmada Bandar-Bayla ee Gobolka Bari Siciid Aadan Cali ayaa sheegay inuu helay warar sheegaya inay degaanadiisa ay soo galeen, balse aanu wax shaqo ah ku lahayn haddii ay Badda iska marayaan ama degaanada socodkooda iska wataan.
Dhageyso wareysi uu siiyay VOA-da
Goobjooge.com