Wararka laga helayo gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in kooxda Alshabaab ay xalay dagaal ku galeen degaanka Ceelwareegow.
Wararka laga helayo dadka degaanka ayaa sheegaya in dagaal gaadmo ah oo xalay maleeshiyada Alshabaab ku qaaday saldhig ay ciidamada milatariga ku lahaayeen Ceel-wareegow uu keenay inay qabsadaan degaankaasi.
Alshabaab ayaa sheegatay inay la wareegtay degaanka Ceel wareegow iyadoo qasaare dhimasho iyo dhaawac u geysatay ciidamada dowladda.
La wareegidda Ceelwareegow ayaa ka dambeysay maalin ka hor oo Alshabaab ay la wareegtay degaanka Muuri, waana olole cusub oo Alshabaab ka bilowday gobolka Shabeelada Hoose.
Goobjooge.com