Tuesday, July 15, 2025

Alshabaab oo muddo la wareegtay degaan ka tirsan Waqooyi Bari, Kenya

Maleeshiyo ka tirsan Al-shabaab ayaa la wareegtay degaanka Diif ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya, kadib markii ay xalay dagaal xoog leh oo saacado qaatay uu dhex maray ciidamada Kenya iyo Alshabaab.

Degaanka Diif ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayay si kedis ah Alshabaab u qabsadeen iyagoo weerar  kedis ah ku galay, kuna weerary saddex gaari, waxaana halkaasi isaga cararay ciidamada Booliska Kenya, taasoo keentay inay Alshabaab la wareegaan.

Dadka degaanka ayaa sheegay in Maleeshiyaadka Al shabaab oo muddo saacado ah gacanta ku hayeeny saldhiga booliska Diif, markii dambeya  ka qaateen agab isugu jira Teendhooyinka ciidamada, rasaas, hub iyo qalab ciidan.

Warbaahinta madaxa banaan ee Keneya ayaa baahisay in Maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday ay saldhiga ka qaateen hub tiro badan oo ay lahaayeen ciidamadii saldhiga ku sugnaa.

Dhinaca kale Al-shabaab ayaa warbaahintooda ku sheegtay in dagaal oo muddo qaatay  ay kula wareegeen   degaanka Diif.

Lama sheegin wax qasaare ah oo dagaalkaasi ka dhashay, mana jirto faahfaahin rasmi ah oo laga bixiyay qasaaraha labada dhinac.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON